2106 Views

Puntland oo war cusub ka soo saartay dagaalka kala dhaxeeya Somaliland iyo Al-Shabaab

Puntland oo war cusub ka soo saartay dagaalka kala dhaxeeya Somaliland iyo Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 4, 2018 – Guddiga difaaca Dowlad goboleedka Puntland ayaa shir jaraa’id oo ay Maanta ku qabteen Magalada Garoowe waxa ay kaga hadleen xiisadaha dagaal ee ka jira gobolka sool iyo dagaalkii u dambeeyey ee Gobolka Bari ku dhexmaray Al-Shabaab iyo Ciidamada Puntland.

Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland cabdullaahi Cali Xersi Cali(Timacade) ayaa sheegay in Maamulka soomaaliland uu gobolka Sool soo dhoobay Maleeshiyaad laga kala keenay Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco.

“Waxaan ku wargelineynaa Shacabka Reer Puntland in ay weli socoto dhibaateynta iyo cagajugleynta lagu haayo Shacabka reer laas-caanood,hadana laga soo wado Haregysa iyo Burco maleeshiyaad beleedyo loogu talo galay in ay xoog kusii jeedaan Gobolka sool,waana isbaheysi uga yimid maleeshiayadka Haregeysa iyo Al-Shabaab ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland.

Dhinaca kale Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac (Qur’aan Jecel)ayaa isna waxa uu sheegay in dhibaatada uu Maamulka Hargeysa ku haayo Shacabka Gobolka Sool ka digtoonaadaan,isla markaana loo diiday in ay gobolkaas tagaan Dhalinyaradii dhawaan dowladda Soomaaliya ka keentay Libya sida uu hadalka u dhigay.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment