924 Views

Puntland oo ka hadashay dilka taliyihii Nabadsugida G/Mudug

Puntland oo ka hadashay dilka taliyihii Nabadsugida G/Mudug
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 19, 2019–Rag hubeysan ayaa xalay Waqooyiga Magaalada gaalkacyo waxaa ay ku dileen  taliyihii Nabadsugida iyo sirdoonka gobolka Mudug ee Dowlad goboleedka Puntland,iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

 

Taliyaha  oo lagu Magacaabi jiray Korneyl Xaashi Aaden Cilmi ayaa la toogtay xilli uu ku sugnaa Xaafad lagu Magacaabo Suuq Barwaaqo oo ku taalla Waqooyiga Gaalkacyo,waxana dilka taliyaha ka hadlay Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland.

 

 

 

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Axmed Muuse Nuur oo la hadlay Risaala ayaa sheegay in laba dhalinyaro ah oo hubeysan ay ka dambeeyeen dilka taliyaha,iyada oo dilkaasi ay sheegteen Al-Shabaab.

 

Waxaa uu sheegay in dilka markii ay fuliyeen ay eryadeen laba dhalinyaro ah oo la Shaqeeya maamulka,hayeeshee mid kamid ah ay dhaawaceen sidoo kalena ay bambo ku tooreen Xarun u dhow Halka uu ku yaallo Guriga Maamulka Gobolka Mudug.

 

Wararkii ugu dambeeyey ee saaka Gaalkacyo aan ka heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamada Ammaanka Puntland ay wadaan howlgallo kala duwan oo saraakiil katirsan Puntland ay sheegeen inay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyey dilkaas.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment