528 Views

Ruushka iyo Ukraine oo Magaalada Istanbul ku kala saxiixday heshiis

Ruushka iyo Ukraine oo Magaalada Istanbul ku kala saxiixday heshiis
____________________________________________________________________________

Sabti: July 23, 2022

Turkiga, Qaramada Midoobay, Ruushka iyo Ukraine ayaa magaalada Istanbul ku kala saxiixday heshiis dib loogu bilaabayo dhoofinta Qamadiga ee Badda Madow, kaa oo u xayirmay duulaanka Ruushka ee dalka Ukraine.

Wasiirka difaaca Ruushka, wasiirka kaabayaasha dhaqaalaha ee Ukraine, wasiirka difaaca Turkiga iyo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa heshiiska ku saxiixay Istanbul. Xafladda waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha Turkiga R.T. Erdoğan.

Erdoğan ayaa sheegay inuu rajeynayo in heshiiskan dhoofinta qamadiga ka hartago balaayiinka qof ee wajihi kara macluusha, sidoo kalena fududeeyo sicir bararka ku yimid cunnada adduunka.

Sida ay ku warameyso Hay’adda Cunnada Adduunka WFP, boqolkiiba 40 Qamadiga ay dunida geyso wuxuu ka yimaadaa dalka Ukraine. Hadda in ka badan 20 milyan oo tan oo Qamadi ah ayaa sugaya in loo dhoofiyo dunida, Kuwaa oo ku xayiran gudaha Ukraine.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post