717 Views

Wasiir Dubbe “ dibad baxa labo shurudood oo kaliya ayaa ku xiran oo ah in la kala Fogaado iyo Mask la qaato..

Wasiir Dubbe “ dibad baxa labo shurudood oo kaliya  ayaa ku xiran oo ah in la kala Fogaado iyo Mask la qaato..
____________________________________________________________________________

3-da Marso, 2021

Wasiirka Warfaafinta ayaa meesha ka saaray in uu baaqdo Banaanbaxa lagu wado in uu dhaco maalinta sabtida ah, waxa uuna walaac ka muujiyay  fiditaanka fayraska korona maadaama oo cudurka Covid-19 aad ugu soo laba kacleeyey dalka.

Wasiirka warafaafinta Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa  sheegay in mucaaradka lagu xiray laba shuruudood oo kaliya oo ah, waa marka koowaad ee in dadka dibadbaxa imaanaya ay kala fogaadaan iyo inay soo qaataan afsaar labadaa shurudood ayaa muhiim ah, labadaa shurudood marka la fuliya dibadbaxa Sabtida waa la ogolaaday.

Sidoo kale hadalka Wasiirka ayaa imaanaya Xili saacadihii la soo dhaafay Warqad mucaaradka ay ku sheegeegeen Wiifto ay ka soo baxday Villa Somaliya oo lagu kala dhantaalayo Heshiiskii Mucaaradka iyo Xukuumada Somaliya.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post