1275 Views

Dib U Dhac Ku Yimid Shirkii Maanta Ka Furmi Lahaa Garoowe

Dib U Dhac Ku Yimid Shirkii Maanta Ka Furmi Lahaa Garoowe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 02, 2019 – Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa Maanta oo Khamiis ah waxaa lagu waday in uu ka furmayo Shir wadatashi ah,kaasi oo dhawaan Madaxda dowlada Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka isugu yeeray Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni.

Maalintii shalay ayaa waxaa la filaayay in Garoowe ay gaaraan Wafduud kala duwan oo ka kala socota maamul Goboleedyada iy kuwa Madaxda dowladda sida Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Khere oo shirka lagu Casuumay,hayeeshee dib u dhaca ayaa ku yimid shirka.

Sababta uu Shirka Garoowe u baaqay ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay,kadib markii halkaasi ay tegi waayeen Madaxda dowlad Goboleedyada sida Jubbaland,Koonfur Galbeed,Hirshabeelle iyo Galmudug.

 

Qodobada looga hadli lahaa kulnkaasi ayaa waxaa kamid ah sidii xal looga gaari lahaa Khilaafka u dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada iyo arrimo kale oo muhiim ah oo ku aadan siyaasada dalka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment