1278 Views

Wadooyinka ugu muhiimsam Muqdisho oo xiran

Wadooyinka ugu muhiimsam Muqdisho oo xiran
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 04, 2020 –48-kii Saacadood ee la soo dhaafay waxaa Magaalada muqdisho ka da’ayay roob saameyn ballaaran ku yeeshay dadka danyarta ah iyo isku socodka dadka iyo Gaadiidka.

Roobka ayaa waxaa uu Biyo dhigay wadooyin farabadan oo muhiim ah oo ku yaalla Muqdisho, kuwaas oo aan wax Gaadiid ah mareyn maadaama Biyo farabadan ay yaallaan.

Wadooyinka muhiim ah ee Biyaha roobka ku xirmay ayaa waxaa kamid ah wadada Shaleemo Afrika ee kala qeybisa Xamarweyne & Xamar Jajab, Wadada Ceelqalow ee Xaafada Buulo Xuubeey, wadada ka baxda Isgoyska Seybiyano ee aada Ex-koontorool Afgooye, wadada u dhaxeysa Isgoysyada Maana Booliyo & Afara Darjiino, wadada Xaafada Siisii, halka gebi ahaan wadada 30-ka ay ku dhowdahay inay gebi ahaan xiranto, kaddib markii Biyaha Roobka  ay buux dhaafiyeen.

Qaar kamid ah Shacabka Magaalada muqdisho ayaa ku eedeeyay maamulka Gobolka Banaadir in aysan waajibkooda gudan, isla markaana aysan dhisin wadooyinka muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

Muqdisho | QOL | November 04, 2020 –_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post