1251 Views

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed oo diiday in uu ka qeyb gelo furitaanka ciyaaraha Olimbikada

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed oo diiday in uu ka qeyb gelo furitaanka ciyaaraha Olimbikada
____________________________________________________________________________

Isniin: july 19 2021

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed, Moon Jae-in, ayaa meesha ka saaray qorshihii uu uga qeyb geli lahaa xafladda furitaanka ciyaaraha Olimbikada ee ka dhacaysa Japan maalinta jimcaha ah sababo la xiriira cadaawadda labada dal u dhaxeysa.

Gardarradii Japan ee ku wajahanayd Kuuriya Konfureed intii lagu jiray Dagaalkii Labaad ee Adduunka ayaa waxay sare u qaadeysaa xasaradda xiriirka labada dal.

Hadallo meel ka dhac ah oo la sheegay in diblomaasi Jabaan ah oo ku sugan magaalada Seoul uu ka sheegay madaxweynaha Kuuriyada Koofureed ayaa sare usii qaaday carada.

Moon ayaa lafilayay in inta uu booqashada ku gudajirayo uu wadahadalo laqaato raiisul wasaaraha Japan, Yoshihide Suga.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post