786 Views

Meydka Ra’iisul wasaarihii hore oo Muqdisho la keenay

Meydka Ra’iisul wasaarihii hore oo Muqdisho la keenay
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL October 10 |  2020
—Waxaa goordhow magaalada Muqdisho kasoo degtay diyaarad sidda meydka Allaha u naxariistee ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr oo khamiistii ku geeriyooday magaalada Jigjiga.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, waxaa meydka ku sugayay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, iyadoo haatan ay socto salaadda Janaasada iyo sidoo kale Aaska meydka oo ay ka qeyb qaadanayaan inta badan madaxda dowladda federaalka.

Allaha u naxariistee marxuum Cali Khaliif Galeyr ayaa sannadkii 2000 wuxuu ra’iisul wasaare ka noqday dowladdii KMG aheyd.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post