1050 Views

SAWIRO:-Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo dib ugu laabtay Jowhar

SAWIRO:-Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo dib ugu laabtay Jowhar
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December  03- 2019–Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulkaas,halkaas oo uu ka maqnaa bilihii ugu dambeeyey.

 

Waare ayaa  Safaro uu ku kala tegay Magaalooyinka Beledweyne,Muqdisho, iyo Nairobi ee Dalka Kenya,isaga oo kulamo la qaatay mas’uuliyin kala duwan.

 

 

 

Maxamed Cabdi Waare ayaa Magalada muqdisho intii uu ku sugnaa waxa uu kulan la qaatay Safiirada Dowladaha Ingiriiska, iyo Mareykanka Ee Soomaaliya Danjire Ben Fender OBE, iyo Ambassador Donald Yamamoto,isaga oo kala hadlay sidii xal waara looga gaari Lahaa fatahaadda ku soo noq noqday Magaalada Beledweyne iyo deegaanno ka mid Hirshabelle

 

Sidoo kale intii uu ka maqnaa Jowhar Madaxweyne Waare waxaa uu tegay Mgalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan,isaga oo ka qeyb qaatay gurmad loo sameynayay dadka uu saameeyey fatahaada wabiga Shabeelle.

Xafiiska WArarka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment