648 Views

Hey’addo caalami ah oo soo indha indheeyey xaaladda abaaraha ee gobolka Gedo

Hey’addo caalami ah oo soo indha indheeyey xaaladda abaaraha ee gobolka Gedo
____________________________________________________________________________


Axad: November 21, 2021

Wefdi ka socda hey’addo caalami ah, oo u kuur galayey xaaladda abaarta, ayaa gaarey magaalada Dooloow ee gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya.

Ujeedada safarkooda ayaa lagu sheegaa iney qiimeyn ku sameynayaan, inta ay la’eg tahay dhibaatada abaarta ee ka jirta deegaankaasi.

Gobolka Gedo, ayaa kamid ah goobaha ay sida weyn u saameysay abaarta ka dhalatey roob la’aanta.

Maxamed Xuseen Cabdi “Lafeey”, oo ah guddoomiyaha degmada Dooloow, ayaa sheegay in hey’addahani ay kasoo jawaabeen qeylo dhaan uu maamulku u direy.

Guddoomiyaha ayaa intaa ku darey in qiimeyn xaalad kadib, ay hay’aduhu balan qaadeen iney lasoo gaaraan dadka iyo duunyada ku nool gobolka Gedo baad iyo biyaba.

Hey’addaha ayaa isugu jira kuwo Yurubiyaana, iyo kuwa kale oo ka socdey Qaramada Midoobay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post