1560 Views

Booliska Somaliya oo u digay dadka sameeya Dukumiintiyada been abuurka ah

Booliska Somaliya oo u digay dadka sameeya Dukumiintiyada been abuurka ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Diseembar 23, 2018 –Taliye ku xigeenka Laanta Dambi baarista Soomaaliya Bishaar Abshir Geeddi ayaa dadka sida been abuur ah u sameeya Dukumiintiyada uga digay in ay sii wadaan.

Taliye Bishaar ayaa ka hadlayay goob lagu soo bandhigay Rag lagu soo qabtay iyaga oo sameynaya dukumiintiyo been abuur ah iyo qalabkii ay ku adeegsanayeen.

Ragga la soo qabtay ayuu sheegay in ay sameynayeen Dukumiintiyada Dowladda,kuwa lagu dhoofo oyo dukumiintiyo kale.

Waxaa uu sheegay in wax badan ay ka qabanayaan Booliska Dadka ku howllan sameynta Dukumiintiyada sharci darrada ah.

Bishaar Abshir Geeddi ayaa ugu baaqay dadka ku howllan sameynta Dukumiintiyada been abuurka ah in ay si wanaagsan uga faa’ideystaan qalabka ay ku shaqeeyaan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment