1659 Views

Madaxda Afrikada Galbeed oo ka shiraya xaaladda Mali

Madaxda Afrikada Galbeed oo ka shiraya xaaladda Mali
____________________________________________________________________________

Madaxda Afrikada Galbeed ayaa maanta ku kulmaya dalka Ghana si ay uga wada xaajoodaan afgembigii milatari ee labaad ee ka dhacay Mali. Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa ka digay in Faransiiska uu ciidamadiisa kala bixi doono Mali haddii xaaladda dalkaasi ka taagan ay caqabad ku noqoto uulaha laga gaaray kacdoonka Islaamiyiinta.

Madaxda urur-goboleedka ECOWAS ayaa la filayaa inay kulan la qaataan madaxa milatariga dalka Mali iyagoo kala hadlaya qaab xukunka loogu wareejin karo madaxweyne rayid ah.

Col. Assimi Goita ayaa hormuud ka ahaa afgembigii bishii August ee sanadkii hore isagoo mar kale xukunka la wareegay kaddib markii isku shaandheyn uu sameeyay Madaxweyne Bah Ndaw xilka looga qaatay labo xubnood oo ka tirsanaa milatariga.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post