579 Views

Hoggaamiyaha TPLF oo ka hadlay qodobo aan gorgortan laga geli karin ee xaaladda sii adkayn kara

Hoggaamiyaha TPLF oo ka hadlay qodobo aan gorgortan laga geli karin ee xaaladda sii adkayn kara
____________________________________________________________________________


Sabti: February 19, 2022

Hoggaamiyaha TPLF, Debretsion Gabremikael, ayaa sheegay in aan wax tanaasul ah laga samayn doonin shanta qodob ee aasaasiga ah ee shacabka Tigray-ga oo aan lagala xaajoon doonin geedi socodka nabada ee socda.

Warsaxaafadeed uu soo saaray sanadguurada 47-aad ee halgankii hubaysnaa ee kooxda TPLF ayuu ku sheegay in wadahadalo ay kula jiraan xukuumada, balse ay jiraan arimo aan gorgortan laga gali karin.

Wuxuu xusay shan arrimood oo uu ku sheegay inay yihiin su’aalo asaasi ah oo ay qabaan dadka Tigrayga.

“Marka hore, wax tanaasul ah ka yeeli mayno ciidankeenna. Wuxuu kaloo sheegay in aan laga hadli doonin arrinta xuduudka Eritrea, ka bixitaanka ciidamada Eritrea ee Tigrayga, xaqa ay dadka Tigrayga u leeyihiin inay aayahooda ka tashadaan iyo la xisaabtanka shaqsiyaadka u gefay shacabka Tigrayga.

Waxa uu intaa ku daray in shantan qodob ay yihiin qodobbada ugu muhiimsan ee wada xaajoodka socda, “Arrinta wax-siinta iyo qaadashada halkan kuma shaqeyso.” ayuu raaciyay.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu sheegay inay wadaan dadaalo lagu dhex dhexaadinayo dagaalkaasi oo siyaabo kala duwan loo adeegsanayo.

Dhanka kale Ururka Midowga Afrika, Madaxweynihii hore ee Nigeria iyo sidoo kale Madaxweynaha Kenya, ayaa sheegay in ergada Mareykanka iyo Midowga Yurub ay kaalintooda ka qaadanayaan wadahadalada socda.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post