360 Views

Guddiga Miisaaniyadda Oo Kulan La Qaatay Wasiirka Qorshyenta

Guddiga Miisaaniyadda Oo Kulan La Qaatay Wasiirka Qorshyenta
____________________________________________________________________________

 

Isniin: NOVEMBER 28, 2022

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta Iskaashiga Caalamiga iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda oo maanta Xarunta Guddiyadda ee Villa-Hargeysa kulan kula yeeshay Wasaaradda Qorsheynta,Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu hogaaminaayay Wasiirka.

Kulanka,ayaa ka dhacay xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysia,waxaa ka qeyb-galay xubnaha Guddiga iyo masuuliyiinta  Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumairnta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka, Iyada oo looga hadlay qodobbo la xiriira howlaha wasaaraddu qabto iyo sidii loo dar-dargalin  howlaha baaxada leh ay Wasaaradda Qaranka u hayso.

Qodobbada sida gaarka ah diiradda loogu saaray kulanka ayaa waxaa ka mid ahaa:-

1. Qorshaha Horumarinta Qaranka diyaarintiisa iyo  hanaankiisa fulineed.

2. Isku dubaridka Qorshe howleedyada sannadlaha, waxyaabaha ka hirgelay sannadkaan iyo isku-duwidda qorsha hawleedka sannadka soo socda ee 2023.

3. Habka maareynta mashaariicda, fulinta deeqaha caalamiga, Isku duwidda deeqaha iyo baahiyaha ama Priorities.

4. Hannaanka kormeerka iyo qiimeynta, sidoo kale horumarinta dhaqaalaha howlaha baaxadda leh Inta uu marrayo.

Kulan oo ay goobjoog ka ahaayeen Madaxda kala duwan ee Waaaaradda, ayaa lagu dhiirigeliyay daddaalada baaxada leh ay waddo Wasaaraddu hormuudka ka tahay iyo sidoo kale waxyaabaha mudnaanta u leh dalkeenna  lagu horumarinayo.

Wasir Ku-xigeenka Mudane Maxamed Cabdiqaadir Cali, Agaasimaha Guud Mudane Asad Yusuf Qanyare, Agaasimayaasha Waaxyaha kala duwan iyo La Taliyaasha, ayaa maanta kulan la qaatay Guddiga Maaliyadda, Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka ee Baarlmaanka Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambayn, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sh. Faarax (Beenebeene),ayaa guddiga u faahfaahiyay Istaraatijiyada afar sanno wax lagu hagayo. Sidoo kale, Wasaaradda iyo dadaallada horumarinta dalkeenna dhinac walbo ah, sidii loo xoojin lahaa heerka kormeerka iyo qiimeynta loona dhaqan-gelin lahaa sharuucda dhaxal galka u ah shaqooyinka kala duwan lagu hago saldhig u ah.

Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda,ayaa uga mahadceliyey sida wanaagsaneyd ay Guddiga Maaliyadda ula socodsiiyeen Warbixinadii iyo su’aalihii la weydiiyey.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post