915 Views

Booliska Mareykanka oo ka hadlay toogasho dad lagu dilay oo ka dhacday dalkaas

Booliska Mareykanka oo ka hadlay toogasho dad lagu dilay oo ka dhacday dalkaas
____________________________________________________________________________

Khamiis June 2, 2022

Afar ruux ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday isbitaal ku yaalla magaalada Tulsa ee gobolka Oklahoma ee dalka Mareykanka, sida ay booliska sheegeen.

Saraakiisha ayaa xaqiijiyay ninka toogashada gaystay, oo ku hubaysnaa qori iyo bastoolad, uu isaga qudhiisa geeriyooday.

Taliye ku xigeenka booliska, Eric Dalgleish, oo ka hadlayay shir jaraa’id, ayaa yiri: “Waqti xaadirkan, afar qof oo rayid ah ayaa naga dhintay, hal nin oo toogashada gaystayna wuu dhintay.”

Wali lama shaacinin aqoonsiga qofka falkaas gaystay oo la rumaysan yahay inuu isaga qudhiisa isdilay.

Sidoo kale, wax faahfaahin ah lagama hayo sababta horseedday falkan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post