1128 Views

Wasiirro Dhexdhexaadin ka dhex wada Beelo dhawaan dagaalamay

Wasiirro Dhexdhexaadin ka dhex wada Beelo dhawaan dagaalamay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 03, -2019 —Xubno kamid ah Golaha Wasiirada Soomaaliland ayaa waxaa ay gaareen Magalada Seylac ee Gobolka Awdal,halkaas oo ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa laba beelood oo isku heysta dhul beereed ku yaalla duleedak Magalada Seylac.

Wasiirada ayaa waxaa kamid ah Wasiirrada Wasaaradaha Biyaha, Gaashaandhigga, Caafimaadka, Wasiir ku-xigeenka Arrimaha gudaha ee dhinaca amniga iyo Xubno kale,waxaana halkaasi ay ka wadaan xallinta khilaaf sababay dhimashada Hal Qof oo u dhexeeya laba beelood.

Wasiirka Wasaaradda Biyaha Soomaaliland  Saleebaan Cali Koore oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in beelaha dagaalmaya ay yihiin kuwo walaalo ah oo wax badan wada noolaa,isla markaana looga baahan yahay inay wada-hadal wax walba ku dhameeyaan.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in labada beelood looga baahan yahay inay tixgeliyaan hadalka Xukuumadda,isla markaan heshiis qaataan hadii taasi ay diidaane ay noqoneyso go’aano adag in la qaato.

Wasiirada ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay la kulmaan Odayaasha Dhaqanka labada beelood ee wada dagaalamay si dagaalkaas looga gaaro xal buuxa taas oo u jeedka wafdiga ka tirsan Golaha Wasiirada Jubbaland

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment