798 Views

Romaniya oo sheegtay in ciidamada ammaanka ay muhaajiriin ay ku jiraan Soomaali.

Romaniya oo sheegtay  in ciidamada ammaanka  ay muhaajiriin ay ku jiraan Soomaali.
____________________________________________________________________________

May 31 2021

Warbahinta dalka Romaniya ayaa daabacay in ciidamada ammaanka ee dalkaasi ay xireen ugu yaraan 15 qof  oo muhaajiriin ah oo ay ku jiraan Soomaali.

Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa la sheegay in ay xabsiga u taxaabeen muhaajiriinta ay gacanta ku dhigeen.

Dadkaan muhaajiriinta ah ayaa waxaa  ay ka soo jeedeen  Wadamada Soomaaliya, Suuriya iyo Ciraaq sida ay sheegeen Booliiska maanta oo isniin ah.

Muhaajiriintaan ayaa waxaa ay ka yimaadeen Dalka Serbiya inkastoo Laamaha Amniga wadanka Romaniya ay wali baaritaano ku hayaan Dadkaasi Qaxootiga ah.

Madaxda Booliiska Romaniya  ayaa  Muhaajiriintaan Da, dooda ku sheegey inta u dhexeysa 16-52 Sano jir marka laga reebo Caruur  Dad, dooda ay u dhexeyso sadexsanno jir ilaa iyo AfarSanno jir.

Si gaar ah Caruurtaan waxaa ay ka soo jeedan Wadamada Suuriya iyo Ciraaq sida ay Booliisku sheegeen, wali macada Sababta ay  Seerbiya ugu yimaadeen, waxaa kaloo aan la shacin halka ay ku siijeedeen.

Iyada oo haatan dunida uu  siweyn ugu jiro Cudurka Dilaaga ah ee Karoona ayaa  haddana waxaa sii kordhaya Dadka Qaxootiga ah ee ku soo qulquleya Qaar kamid ah Dalalka Reer Yurub.


.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post