525 Views

Boris Johnson oo u sheegay agaasimihiisa cusub ee warfaafinta Guto Hari isagoo leh

Boris Johnson oo  u sheegay agaasimihiisa cusub ee warfaafinta Guto Hari isagoo leh
____________________________________________________________________________

 isniin: February 7, 2022

Boris Johnson ayaa u sheegay agaasimihiisa cusub ee warfaafinta Guto Hari isagoo leh ‘’ waan guuleysan doonaa ‘’ isagoo qaadaya tuducyo uu ka soo qaatay hees ay qaaddo gabadha la yiraahdo Gloria Gaynor markii uu u magacaabay agaasimha xafiiskaas .

Agaasimaha cusub ayaa la so magacaabay markii ay dhaceen iscasilaado isdaba joog ah oo ka dhacayey xafiiska ra’iisul wasaaraha ee downing Street No 10 iyadoo weli ay taagan tahay fadeexaddii xafladihii ka dhacdhay xafiiska ra’iisul wasaaraha xilligii xannibaadda Covid19.

Agaasimahan cusub ayaa u sheegay wargeys dhinaca luuqadda ah in uu arkay Jimcihii ra’iisul wasaaraha ‘’ isagoo aan aheyn fannaan ama majaajiliste buuxa uu hadana leyahay dabeecad la jecleysan karo ‘’ ayuu yiri .

Wuxuu Harri I sheegay markii ay ra’iisul wasaaraha isweydaarsadeen tuducyo laga soo qaatay hees sanadihii 1970 meeyadii aad loo jeclaa ay aad u qosleen isaga iyo Borris Johnsonoo ay wada fariisteen si ay uga wada hadlaan sidii dowladda meesheedii hore loogu soo celin lahaa horena loogu socon lahaa .

Ayuu hadana raaciyey in 90% in wada hadalkoodu uu ahaa mid dhab ah ayna ku jireen waxyaabo qosol leh. Ma aha ra’iisul wasaaruhu sida dadka qaar ay sheydaanka uga dhigayaan .

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post