1548 Views

Xildhibaankii la dilay oo horay uga hadlay arrimo ku saabsan amaankiisa

Xildhibaankii la dilay oo horay uga hadlay arrimo ku saabsan amaankiisa
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 23, 2019–Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre ayaa khudbaddii ugu dambeysay ee uu ka jeediyay golaha shacabka diiradda ku saaray amniga wuxuuna si qiiro leh uga hadlay caqabadda dhaqaale ee heysata ciidanka.

Bishii Sitembar ee sannadkii 2018-kii ayuu xildhibaankan, oo maanta lagu dilay Muqdisho, jeediyay khudbaddiisii ugu dambeysay ee baarlamaanka, taasoo qalbiyo badan taabatay.

Wuxuu si qota dheer uga hadlay howlaha sugidda amniga ee maarada loo waayay, isagoo sheegay in ciidanka amniga ay u baahan yihiin in xuquuqdooda loo dhammeystiro.

“Ciidan niyad sami iyo kalsooni qaba ayaa amni suga, hadduusan ciidanku kalsooni qabin amni ma sugo, tiro kastaba hala ekaadee. Ciidanka maanta aan heysannaa niyad ma hayo. Ciidanku waajibna isaga ayaa leh waajibna isaga ayaa lagu leeyahay. Marka la siiyo waajibka uu leeyahay ayuu waajibkiisa fulin karaa”, ayuu yidhi.

Wuxuu sidoo kale sheegay in ciidanka oo ay dhibaatooyin badan heystaan haddana uu mushaarkooda yahay $100 doolar, sidaas oo ay tahayna mararka qaar dhowr bilood laga daahiyo.

Xildhibaanka ayaa sheegay in isaga qudhiisa mar uu ku dhaawacmay weerar uu kala kulmay mid ka mid ah ilaaladiisa.

“Aniga nin ilaaladeyda ah ayaa isbuuc ka hor i feedhay. Guddoomiyuhu markhaati buu ka yahay, anigoo sakaraad ah ayaa gurigiisa la ikeenay. Nin ilaaladeyda ah ayaa i dilay laakiin kama xumaanin, sababtoo ah waxaan ogaa in ninkaas aan saddex ama afar bilood mushaar la siinin. Wax aan meelaha ka jaaf jaafo ayaan siinayay, guddoomiyaha laftiisa ayaan 2 bilood mushaar uga qaaday, markii aan isbitaalka digfeer kasoo baxay waxaan raalli galiyay askarigii i feedhay”, ayuu yidhi xildhibaanka.

Xildhibaan Boqorre ayaa horay uga mid ahaan jiray ciidamada xoogga dalka, isagoo ka gaaray darajada Gaashaanle sare.

Sida uu khudbaddiisii ugu dambeysay ku sheegay, wuxuu ka qeyb galay dagaalkii 1964-kii dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya iyo dagaalkii xigay ee labada dal ay isaga hor imaadeen sannadkii 1977-kii. Labadaas dagaalba wuxuu sheegay inuu dhaawac kasoo gaaray.

Dhanka kale xildhibaan Boqorre ayaa la sheegay inuu ahaa xildhibaanka kaliya ee ka tirsan baarlamaanka, oo xaafad caadi ah dagganaa.

Markii uu jeedinayay khudbaddan wuxuu mudaneyaasha golaha shacabka ku boorriyay iney hoteellada ka guuraan oo ay xaafadaha caadiga ah dagaan.

“Haddii aan nahay xildhibaannada, waa innaga hoteellada iyo madaxtooyada isku koobnaye, aaway dadkii aan ka wakiilka ahayn?, xildhibaan kaliya oo xaafad daggan ii sheega, war cabsida iska daaya, mise waxaad leedihiin Boqorre waa 80 jir oo caawa haddii la dilo xitaa awalba waxba uma harsaneyn?”, ayuu yidhi.

Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre waxaa galinkii dambe ee maanta kooxo hubeysan ay ku dileen degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, halkaasoo uu dagganaa.

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Xildhibaan Cismaan Cilmi boqore oo maanta lagu dilay Muqdisho

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa uga tacsiyadeeyay Qoyskii, Qaraabadii iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed oo uu ka baxay Xildhibaanka, isagoona Alle uga baryay inuu Janadii fardowso ka waraabiyo marxumka, Qoyskii iyo Qarankii uu ka baxayna samir iyo iimaan Alle ka siiyo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Cismaan Cilmi Boqorre uu hadda ahaa xildhibaanka ugu da’da weyn mudaneyaasha golaha shacabka ee Federaalka Soomaaliya.

Ma jirto cid wali sheegatay mas’uuliyadda dilka xildhibaankan, iyadoo horayna magaalada Muqdisho loogu dilay xildhibaanno ka tirsanaa baarlamaanka.

Xigasho BBC Somalia 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment