852 Views

Qoor qoor oo Sheegay in Galmudug ay diyaar u tahay qabashada Doorashada labada aqal ee BFS.

Qoor qoor oo Sheegay in Galmudug ay diyaar u tahay qabashada Doorashada labada aqal ee BFS.
____________________________________________________________________________

Arbaco: july 21 2021

 Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa  magaalada Gaalkacyo kula tukaday Salaadda Ciida Carafo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Galkacyo.

Madaxweynaha ayaa salaadda ka dib hambalyada Ciidul Adxaa u diray dhamaan ummadda muslimiinta ah gaar ahaanna shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay ku suganyihiin, Isagoo si gaar ah ugu hambalyeeyay qeybaha kala duwan ee Ciidamada qalabka sida ee howlgalada ka wada deegaanada Galmudug.

Sidookale Madaxweyne Qoor Qoor ayaa u mahadceliyay Maamulka Puntland oo uu sheegay iney Iskaashi iyo garab istaag u muujisay Dowladda iyo shacabka Galmudug, waxaana uu ugu baaqay Puntland inay sii laba jibaaraan Iskaashiga Amniga iyo la dagaalanka argagaxisada.

Dhanka kale Mr Qoor Qoor ayaa ugu baaqay dhamaan Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya inay si isku mid ah uga qeyb noqdaan howlgalada lagu soo afjarayo kooxaha nabaddiidka ah kuwaas oo uu ulla jeedo Kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Ugu dambeyn Qoor Qoor ayaa tilmaamay in Galmudug ay dhinaca kale ay diyaar tahay qabashada Doorashada labada aqal ee BFS, Madaxweynuhu ayaa hoosta ka xariiqay in Galmudug muddo dheer ay geed fadhi u aheyd dadaalada lagu doonayay in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, Sidaa darteedna ay lagama maarmaan tahay in la fuliyo heshiisyada iyo habraacyadii arrimaha doorashooyinka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post