567 Views

caalamka oo shaki ka muujisay Doorashada saakay Itobiya ka dhacaysa

caalamka oo shaki ka muujisay Doorashada saakay  Itobiya ka dhacaysa
____________________________________________________________________________

 June 21 2021 

Dagaal, abaaro iyo isku dhacyo qawmiyadood ayaa ka tagaan haatan Itoobiya. Waxaa la dhihi karaa waa wax wanaagsan in dalka dhibaatadaa ku jira doorasho ka dhacdo.

Dhammaan wixii aan soo xusnay iyadoo ay dhacayaan, ayaa haddana Itoobiya maanta waxaa ka bilawdey doorashadii uggu horey tan iyo intii uu noqday ra’iisal wasaara Dr Abiy Ahmed.

Kaleb Moges, oo kamid ah codbixiyeyaasha kuna sugan magaalada Hawasa, ayaa u sheegay BBC-da laanteeda Amxaariga, iney ka qeyb galayaan doorashada in alle iyo intii ay nabadi jirto oo ay codeynayaan.

Wuxuu intaa ku darey in lagu ku qanco natiijada doorashada qof waliba maahan wax macno weyn ku fadhiya halkani. Laakiin sababtu maxey tahay?

Gobolka uggu dadka badan Itoobiya ee Oromia, ayuu codbixiyahani sheegay inaaney dadkoodu si wanaagsan ugga qeyb qaadaneyn doorashadani, maadaama la xirey hoggaamiyeyaashoodii.

Sidaa darteed, intee in la’eg ayey doorashadani muhiim tahay? Kala soco tebinteenani tooska ah.

Dadka qaar ayaa ka shaki qaba iney doorashadani ku dhaceyso si xor iyo xalaal ah, inkastoo aan illaa iyo haatan aanan laga soo tebin wax dhibaato ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post