1236 Views

Ganacsade Caan ah oo Baydhabo lagu dilay

Ganacsade Caan ah oo Baydhabo lagu dilay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 09, 2019 —Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay sheegayaan in Duleedka Magaalada lagu dilay Saddex ruux oo uu ka mid yahay Ganacsade si weyn looga yaqaano gobolka Bay.

Cali Aadan Marguus ayaa ka mid ahaa Ganacsatadda Beeraleyda ah ee Baydhabo, waxaana uu sidoo kale horay uu soo noqday Siyaasi.

Waxaa uu ahaa Oday dhaqameed dadka reer Baydhabo ay si weyn ugu jeclaayeen Baraarujinta Waxsoorka beeraha Sanadyadii ugu dambeysay.

Dilka  Cali Aadan Marguus ayaa yimid ka dib Muran maalmihii lasoo dhaafay ka taagnaa dhul ku yaalla Duleedka Magaalada Baydhabo, waxaana uu ku dhintay rasaas ay ku fureen Koox hubeysan sidda ay shegeen Mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment