840 Views

Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Su’aalo Weydiinaya Wasiirka Gaashaandhigga

Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Su’aalo Weydiinaya Wasiirka Gaashaandhigga
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 15 , 2019 | QOL |   –Waxaa Maanta oo Isniin ah lagu wadaa in Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ay kulankoodii caadiga ahaa ay ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay hortegista Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Xasan Maxamed Cali Amar-dambe, kaasi oo ay u yeereen Xildhibaanada.

Sidoo kale inta uu kulanka socdo ayaa waxaa Xildhibaanada waxaa ay su’aallo adeg weeydiin doonaan Wasiir Amar-dambe, kuwaasi oo la xiriira howlaha shaqo ee Wasaaradda Gaashaandhigga.

 

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka ayaa shalay waxaa hortegay Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeyee, iyagoona weydiiyay Su’aallo ku aadan dhanka Shaqada Warfaafinta iyo howlaha Warbaahinta dowladda.

 

Wasiirada amniga iyo gaadiidka iyo duulista Hawada  ayaa dhawaan iyagna hortegay Xildhibaanada, waxaana maalmahan Xildhibaanada Golaha Shacabka Isla-xisaabtan ay ku ku wadaan Wasiirada Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment