1176 Views

Xarunta Madaxtooyada oo ka socdan kulamo lagu dhex-dhexaadinayo Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Xarunta Madaxtooyada oo  ka socdan  kulamo lagu dhex-dhexaadinayo Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare  Rooble.
____________________________________________________________________________

Talaado:September 21, 2021

Waxaa weli Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia ka socda kulamo lagu dhex-dhexaadinayo Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Kulamada ayaa waxaa wada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal, Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Soomaaliya, waxaana kulamada oo xalay billowday kasoo baxaya kulamo warar duwan.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa sheegay in Xubnaha dhex-dhexaadinta ay ka quusteen Farmaajo, isla markaana ay haatan Ra’iisul Wasaare Rooble ku cadaadinayaan in uu tanaasulo.

Wararka kulamada dhex-dhexaadinta aan ka heleyno ayaa sheegay in ilaa iyo hadda aan wax horumar ah laga sameyn, sidoo kale qodobada si adag la isugu haayo ay kamid yihiin.

In Awoodda guud ee dalka gaar ahaan awoodda maamulka Ciidanka oo dhanka Villada ay qabto in Taliyaha guud ee ciidanka uu yahay Madaxweyne Farmaajo.

2. in taliyaha Magacaaban ee KMG ah ee dhanka Ra’iisul Wasaare Rooble meesha laga saaro lana soo magacaabo mid cusub oo heshiis lagu wada yahay.

3. Villa Soomaaliya, ayaa si adag u diidan Wasiirka Amniga Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur ee uu Magacaabay Ra’iisul Wasaare Roible.

Qodobka ugu adag oo markii hore khilaafka keenay ayaa waxaa uu yahay sida loo maareeynaho kiiska Ikraan Tahliil.

Warar kale ayaa sheegaya in qodobada dhinaca Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku adkeysanayo ay kamid yihiin n arinta Ikraam loo daayo Maxkamadda Ciidamada si Madax-banaan

In Amniga dalka iyo doorahada uu Ra’iisul Wasaaraha mas’uul ka yahay.

In taliyaha Magacaaban ee KMG ah Bashiir Goobe uu yahay Taliyaha saxda ah ee Hay’adda NISA.

In Wasiirka Amniga uu yahay Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Horay Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed waxaa ay dhex-dhexaadin ka wadeen Madaxweyne Far.aajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, balse wada-hadalladaas ay fashilmeen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post