645 Views

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish oo ka hadlay abaabulkii banaan-baxa ee maalmahaan ka socday magaalada Muqdisho daawo

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish oo  ka hadlay abaabulkii banaan-baxa ee maalmahaan ka socday magaalada Muqdisho daawo
____________________________________________________________________________


khamiis:January 13, 2022

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa ka hadlay abaabulkii banaan-baxa ee maalmahaan ka socday magaalada Muqdisho, isagoo sheegay inay ka guuleysteen kooxihii abaabulayey oo banaan-baxaas ay baajiyeen.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa sheegay in midowga musharaxiinta ay shirkii golaha wadatashiga qaranka u gudbiyeen waxii tabasho ay qabeen, balse kooxo gaar ah ay bilaabeen banaan-baxyo uu sheegay in meesha ay ku dambeyn doonaan aan la garaneyn.

“Waxaa soo baxay kooxo leh waxaan qabaneynaa banaab-baxyo waxa ka dhalanaya aan la ogeyn oo aan qeexneyn, ka maamul ahaan waan is-warsanay, marxaladaan lagu jiro iyo in shirkii aysan qeylo ka yeerin markii aan fiirinay, waxaa noo soo baxday in xilligaan aan loo baahneyn banaanbaxyo ay rabshado ka dhashaan,” ayuu yiri Cumar Filish.

Odayaasha dhaqanka caasimadda ayuu Cumar Filish sheegay inay la fariisteen kooxihii abaabulkaas waday iyo maamulka gobolka, iyadoo ugu dambeyntii lagu guuleystay in la baajiyo banaanbaxaas, sida uu sheegay.

“Waxaan u mahad celinayaa odayaashii ka dhaadhiciyey in xiligaan aan loo baaheyn dadkii ku adkeysanaayey in banaan-baxyo ay ka dhigaan gobolka Banaadir,” ayuu yiri Cumar Filish.

Ugu dambeyntii Cumar Filish waxa uu u mahad celiyey dhalinyaradii abaabuleysay banaan-baxaas ee odayaashooda ka aqbalay codsigoodii ahaa inay joojiyaan abaabulkaas.

Hadalka guddoomiye Cumar Filish ayaa u muuqda mid uu ku faanayo in gabi ahaan-ba la joojiyey banaan-baxaas oo ay hor-istaageen, balse xaqiiqadu waxay tahay in waqtiga banaan-baxaas dib loo dhigay oo Axada soo socota la shaacin doono goorta uu dhacayo.

Kadib kulan ay shalay odayaasha dhaqanka Muqdisho la yeesheen guddigii u xil-saaraa abaabulka banaan-baxaas ayaa lagu go’aamiyey in dib loo dhigo banaan-baxa oo Axada soo socota la isugu yimaado shir kale, kaas oo lagu go’aami doono goorta uu dhacayo banaan-baxaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post