2142 Views

Wadooyinka Muqdisho Oo Saakay Xiran Iyo Shacabka Oo Ka Cabanaya

Wadooyinka Muqdisho Oo Saakay Xiran Iyo Shacabka Oo Ka Cabanaya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso  30, 2019 –MWadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya ayaa Maanta xiran,waxaana lagu arkayaa Ciidamo farabadan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo wata gaadiidka Dagaalka ayaa waxa lagu arkayaa Wadooyinka iyagoo taagan,waxaana dadka iyo gaadiida gaarka loo leeyahay u diidayaan in ay isticmaalaan wadada,iyagoona dadka ay yihiin kuwo lugeeynaya.

Wadooyinka Ciidamada ay xireen ayaa waxaa kamid ah Isgoyska Banaadir, Soobe, Tarabuunka, Howl-wadaag, iyo wadooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Maka Al-mukarama iyo kuwo kale oo aad ugu muhiimsan isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Habeenimadii xalay aheyd ayaa warar aan helnay waxa ay sheegayaan in Ciidamo badan la dhigay qeybo kamid ah Isgoysyada iyo Koontaroolada Magaalada Muqdisho,waxaana aad loo adkeeyay saakay amniga guud ee Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Inta badan Shacabka kunool Gobolka Banaadir ayaa dhibaatooyin ku qaba xiliyada ay xiran yihiin wadooyinka Magaalada,iyagoona goobahooda ganacsiga iyo Waxbarashada ku tega Cagtooda.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment