1824 Views

Amiir William-ka oo BBC-da ku eedeeyay inay ku guul darreysatay wareysigii hooyadii

Amiir William-ka oo BBC-da ku eedeeyay inay ku guul darreysatay wareysigii  hooyadii
____________________________________________________________________________

May 21 2021

Amiir William-ka qoyska Boqortooyada UK ayaa BBC-da ku eedeeyay inay ku guul darreysatay wareysigii ay la yeelatay hooyadii kaas oo uga sii daray xaaladdeeda isla markaana sii xumeeyay xiriirka labadiisa waalid.

Kaddib baaritaan la sameeyay oo lagu ogaaday in BBC-du aysan hannaan sax ah u marin hellitaanka wareysigaas, ayaa Amiir William waxa uu sheegay in “waxa ugu badan ee murjiyay” ay tahya in Diana aysan weligeed ogaan in la khiyaanay.

Wuxuu sheegay in hooyadii uusan keliya u gefin “weriye aa daacad ahayn” balse ay sidoo kale ku khaldameen madaxda BBC.

Dhanka kale walaalkii, Amiir Harry ayaa “dhaqamada qaar ee xun ee warbaahinta” ku eedeeyay dhimashada hooyadiis.

Wuxuu walaac ka muujiyay in dhaqamadaas ay “weli ka jiraan dunida”.

“Hooyadeen waxay nolosheeda ku weyday arrintan, waxna isma baddelin. Annagoo ilaalineyna waxa laga dhaxlay, waxaan ilaalineynaa qof walba, waxaana ku taagneynaa sharaftii ay ku nooleyd,” ayuu yiri.

BBC-da ayaa raalligelin siisay Amiir William iyo Amiir Harry, aabbahood Charles iyo Diana walaalkeed Earl Spencer.

“Arintan ma khuseyso oo keliya Martin Bashir, balse waxay ku saabsan tahay dhammaan BBC-da, oo uu u maleynayo inay gebi ahaanba ku guul darreysatay inay baarto arrinta ayna daah saartay arrimo aysan jecleysan,” ayuu yiri Jonny Dymond oo ah weriyaha BBC ee arrimaha qoyska Boqortooyada.

Baaritaanka oo uu sameeyay garsooraha howlgabka noqday Lord Dyson, ayaa lagu ogaaday in weriyihii wareysiga qaaday ee Martin Bashir uu u dhaqmay qaab “khiyaano” ah uuna been abuur ku sameeyay waraaqihii uu ku helay oggolaanshaha wareysiga.

Baaritaanka gudaha ee ay BBC-du sanadkii 1996 ku sameysay cabashooyinkii ku saabsanaa wixii dhacay ayaa ahaa “mid aan waxtar lahayn”, sida lagu sheegay baaritaanka

Amiir William ayaa yiri wareysiga “wuxuu qeyb weyn ka qaatay in xiriirka waaliddiinteyda uu sii xumaado,” isagoo intaas ku daray “wuxuu kaddib dhaawacay dad aan xisaab lahayn”.

“Balse waxa murugada ugu badan igu beeray, waa haddii ay BBC-du si fiican u baari lahayd cabashooyinkii sanadkii 1995, hooyadey way ogaan lahayd in la khiyaamay,” ayuu yiri.

Lord Dyson ayaa ogaaday in Bashir uu Earl Spencer ku khiyaanay inuu baro walaashii Diana isagoo tusiyay waraaqaha bankiga oo been abuur ah kuwaas oo sheegaya in shakhsiyaad lacag lagu siiyay inay ilaalo ka hayaan amiiradda.

Amiir William ayaa sheegay in aragti ahaan uu qabo in habka khiyaanada leh ee wareysiga lagu helay “uu saameyn ku yeeshay waxa ay hooyadey tiri” iyadoo u jawaabeysa Bashir.

Wuxuu sheegay in barnaamijka Panorama “uusan habbooneyn” isla markaana aysan ahayn in mar dambe la sii daayo.

Bashir ayaa sheegay in “arin nacasnimo ah” ay ahayd waxa uu sameeyay isla markaana uu ka shallaynayo, balse wuxuu sheegay inaysan wax saameyn ah ku lahayn go’aanka ay Diana ku aqbashay in la wareysto.

BBC-da ayaa sanadkii la soo dhaafay dalbatay baaritaanka madaxa bannaan, kaddib markii Earl Spencer uu soo jeediyay eedeymo ku saabsan qaabka loo helay wareysiga.

Wareysigii Bashir uu la yeeshay Amiirad Diana ee lagu soo qaatay barnamaijkii gaarka ahaa ee Panorama ayaa wax weyn u ahaa BBC. Wareysiga waxay amiirada ku tiri: “Saddex qof ayaynu ku nahay guurka,” – iyadoo ula jeedda xiriirkii seygeeda kala dhaxeeyay Camilla Parker Bowles.

Waa markii ugu horreysay ee qof boqortooyada ka tirsan uu si furfuran uga hadlo noolosha Qoyska Boqortooyada – dadka daawaday wareysiga ayaa ka hadlay guurkeeda aan farxadda ku dheehneyn ee Amiir Charles, arrimahooda, iyo xaaladdeedii caafimaad ee maskaxda.

Bashir, oo 58 sano jir ah, waa mid ka mid ah weriyeyaasha ugu caansan UK, wuxuuna sidoo kale aad ugu soo caan baxay wareysigii uu sanadkii 2003 la yeeshay heesaagii Michael Jackson.

Toddobaadkii la soo dhaafay ayuu BBC-da isaga tegay, isagoo u aaneeyay sababo dhanka caafimaadka ah. Wuxuu ahaa wakiil-wareedka arrimaha diinta ee BBC-da iyo tifaftire tan iyo sanakdii 2016.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post