339 Views

Madaxweynaha la doortay ee Kenya William Ruto oo sheegay in Uhuru Kenyatta uusan u hambalyeeynin guusha uu ka gaaray doorashada.

Madaxweynaha la doortay ee Kenya William Ruto oo  sheegay in Uhuru Kenyatta uusan u  hambalyeeynin  guusha uu ka gaaray doorashada.
____________________________________________________________________________

Khamiis: SEPTEMBER 8, 2022

Madaxweynaha la doortay ee Kenya William Ruto ayaa sheegay in madaxweynaha xilka ka degaya ee Uhuru Kenyatta uusan u arkin inuu ugu hambalyeeyo guusha uu ka gaaray doorashada.

Wuxuu sheegay in muhiimaddu ay tahay guusha uu ka gaaray doorashada,laakin wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in madaxweyne Kenyatta aanu ku faraxsaneyn in laga adkaaday musharixii uu watay ee Raila Odinga. Wuxuuse muujiyay in ay arrintaasi tahay wax iska caadi ah marka ay timaaddo siyaasadda.

William Ruto ayaa hadalkaan ku sheegay waraysi uu siiyay Telefishinka CNN .Wareysiga ayaa kusoo beegmaya xilli William ruto uu bartiisa twitter-ka soo dhigay in qadka taleefanka ay ku wada hadleen isaga iyo Kenyatta isla markaana uu ugu hambalyeeyay guushiisa iyo sidoo kale in ay ka wada hadleen doorashada guud iyo u gudbida maamulka cusub.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post