729 Views

Madaxweynaha Jubbland oo soo saaray liiska magacyada afarta musharax Aqalka sare

Madaxweynaha Jubbland oo  soo saaray liiska magacyada afarta musharax  Aqalka sare
____________________________________________________________________________


Talaado: October 19, 2021

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa soo saaray liiska magacyada afarta musharax ee ka harsaneyd kursaasta Aqalka sare xubnaha uga mid noqonaya maamulka Jubbaland.

Sideed Musharax ayaa ku wada tartami doona afarta kursi ee liiskooda uu soo gudbiyay madaxweynaha Jubbaland, waxaana kuraasta labo ka mid ah ku tartami doono afar haween ah.

Magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka u ah Maamul goboleedka Jubbaland loo waxaa horay loogu soo doortay inta badan kuraasta aqalka sare ku lahaayeen Jubbland, waxaana jiray cadaadis Jubbaland kaga yimid beesha caalamka, kaasi oo ku aaddanaa in qoondada haweenka ay ilaaliyaan, waxaana taasi ay keentay in hadda loo xiro haweenka kuraasta qaar.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post