528 Views

Guddiga FEIT oo maalintii afaraad wado Shahaado bixinta Xildhibaanada

Guddiga FEIT oo maalintii afaraad wado Shahaado bixinta Xildhibaanada
____________________________________________________________________________


Talaado: April 5, 2022

 Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT ayaa maalintii Afaraad xaruntooda Muqdisho ka wado shahaado bixinta Xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka 11-aad.

Shalay Guddiga shahaadada Xildhibaanimo waxay guddoonsiiyeen Xildhibaano gaaraya tiradooda 132, kuwaas oo iskugu jira xildhibaanada dooran ee Golaha Shacabka iyo kuwa Aqalka Sare.

Qoraal goordhow kasoo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in Shaqada Shahaado bixintu ay saaka u billaabatay Guddiga islamarkaana ay ku socoto Si habsami leh.

Sidoo kale, Guddiga ayaa ku booriyay xildhibaanada labada gole ee aan wali qaadan shahaadada Xildhibaanimo ee dalka jooga inay yimaaddaan xarunta guddiga FEIT, si looga guul gaaro yoolka Guddiga ee dhammeystirka doorashada.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post