1503 Views

Weeraryahanka Liverpool Maxamed Saalax oo Doonaya qandaraas gaaraya 500,000

Weeraryahanka Liverpool Maxamed Saalax oo Doonaya qandaraas gaaraya 500,000
____________________________________________________________________________

Talaado: October 26, 2021

Weeraryahanka kooxda Liverpool, ee u dhashey dalka Masar, ee Maxamed Saalax, ayaa doonaya qandaraas gaaraya 500,000 oo lacagta Pound-ka ah, si uu ugu negaado kooxda uu haatan jooggo.

Ole Gunner, oo ah 48 sano jir, ayaa ku dadaalaya sidii u xajisan lahaa shaqadiisa tababaranimo ee kooxda Manchester United.

Ciyaar yahankan ayaa u dhashey dalka Norway, isagoo durba lumiyey kalsoonida ciyaartooyda qaarkood, intii aananba la gaarin kulankii Axaddii, ee kooxdani aaney ku garaacin 5-0 kooxda Liverpool.

Maamulka sare ee kooxda Manchester United, ayaa ka fikiraya inay eryaan Ole Gunner Solskjaer, kahor kulanka ay martida u yihiin kooxda Tottenham sabtida inagu soo fool leh.

Ciyaar yahankii hore ee reer France, Zinedine Zidane, ayaan rajeyneyn inuu u wareego dhanka iyo kooxda Manchester United, isagoo ka tagey kooxda Real Madrid bishii May ee ina dhaaftey.

Ciyaaryahankii hore ee qadka dhexe ee kooxda Real Madrid, ayaa indhaha ku haya kooxda PSG iyo xulka qaranka Faransiiska, maadaama aaney haatan labadooduba laheyn tababare leyliya.

Daafaca kooxda Chelsea, Trevoh Chalobah, oo 22 sano jir ah, ayaa lagu wadaa inuu saxiixo heshiis qaadanaya waqti dheer, kadib markii ciyaartiisii ugu horeysay ee uu saftey, uu si wanaasan u muujiyey kaalin hawlkarnimaa.

Maamulaha kooxda Barcelona, ee Ronald Koeman, oo 58 sano jir ah, ayaa shaqadiisa aaney cago badan ku taagneyn, haddii kooxda ay ku guul dareysato iney badiso saddexda kulan ee soo socota.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post