1128 Views

Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku biiri rabay Daacish oo xukun lagu ridayo

Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku biiri rabay Daacish oo xukun lagu ridayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 03,, 2019 —Laba qof oo qaxooti Soomaali ah ayaa la xukumi doonaa dalka Mareykanka ka dib markii lagu soo oogay dacwado la xiriira inay gacan siinayeen Kooxda Daacish sidoo kalena inay qorsheynayeen inay u safraan dalka Masar si ay ugu biiraan Kooxda Dowladda Islaamka.

 

Labadda wiil Soomaalida ah ayaa horay ugu noolaa Magaalooyin ka mid ah dalka Mareykanka, waxaana Ciidanka Ammaanka ay qabteen xilli ay doonaayeen in ay kasoo Ambabaxaan mareykanka si ay Daacish ugu biiraan.

 

 

 

Horraantii toddobaadkii hore  garsooraha maxkamadda ayaa amray 21-jirka Axmed Mahad Maxamed iyo 20-jirka Cabdi Yemani Hussein in Maxkamad lasoo taago si wax looga weydiiyo eedeymaha loo heysto ee ah Daacish ku biirista.

 

Garooraha Maxkamad ayaa sheegay in Kiiska labada wiil go’aan laga gaari doono, islamarkaana ay xabsiga ku sii jiri doonaan, Maadaama Wali ay socdaan baaritaano.

 

Labadan nin ayaa la qabtay bishii Juulay 26 keedii  xilli ay isku dayeen in ay  ka dhoofaan  garoonka Tucson dalka Mareykanka.

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment