1527 Views

Madaxtooyadda oo ka hadashay Agaasime taageero u muujiyay Israel

Madaxtooyadda oo ka hadashay Agaasime taageero u muujiyay Israel
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso  31, 2019 –Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaqadda ka ceyriyay  C/llaahi Axmed Dool oo ahaa Agaasimihii Xafiiska Wasiirka.

Dhool ayaa shaqadda looga eryay ka dib markii uu taageero u muujiyay Isael, islamarkaana uu sheegay in ay muhiim tahay in Soomaaliya iyo Israel ay yeeshaan Xiriir Wanaagsan.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya uusan la shaqeyn karin ruux taageero u muujiyay Yahuuda.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan u yeertay Safiirkii Soomaaliya ee Geneva ka dib markii ay ka aamustay Qaraar Caalami ah oo Yahuuda looga soo horjeeday.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment