1167 Views

Xukuumadda Soomaaliya oo baaq u dirtay Shacabka,xilli lagu jiro Maalmaha Ciida

Xukuumadda Soomaaliya oo baaq u dirtay Shacabka,xilli lagu jiro Maalmaha Ciida
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 04,, 2019  –Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa shacabka Soomaaliyeed ee ciideysanaya ugu baaqay, iney ka shaqeeyaan nabad gelyada dalka ayna la shaqeeyaan Ciidamada qalabka sida.

 

Wasiirka ayaa sheegay in dowladu ay tahay adeegayaal u shaqeeya Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in ay u taagan tahay in Shacabku ay helaan adeegyada ay xaqa u leeyihiin sida, Waxbarasho lacag la’aan ah, Caafimaad iyo adeegyada kale, isagoo xusay in ay dowladu ay ku dadaaleyso sidii muwaadin kasta meel walba uu tagyo loogu xushmeyn lahaa Soomaalinimada.

Iyadoo maanta ay tahay maalinta labaad ee Ciidul fidriga ayaa waxaa magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka si weyn uga socda dabaal degyada lagu soo dhaweeynayo maalinta labaad ee Ciida, waxaana ammaanka si weyn u adkeeyay Ciidamada dowlada Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment