612 Views

War deg deg ah: Fanaanada khadro daahir Cige oo goor dhawayd ku Geeriyootay magaalada Hargaysa

War deg deg ah: Fanaanada khadro daahir Cige oo goor dhawayd ku Geeriyootay magaalada Hargaysa
____________________________________________________________________________

Sabti: July 02, 2022

Wararka ka imaanaya magaalada Hargaysa ee Xarunta Somaliland ayaa sheegaya in ay goor dhawayd halkaas ay  ku geeriyootay fanaanada caanka ahayd ee Hobolada Qaranka Soomaaliyeed ee waabari khadro daahir Cige.

khadro ayaa maalmihii la soo dhaafay waxay ku Xanuunsanaysay magaalada Hargaysa, oo sanadihii la soo dhaafay ay ku Nooleed.

Fanaanada khadro daahir Cige ayaa ka mid ahayd Hormuudka Hobolada Qaranka Soomaaliyeed ee waabari, waxayna ka mid ahayad Hormuudka waabari dhinaca Haweenka, sida xaliimo Khaliif Magool, Sahro axmed jaamac ayada oo kaalinta sadaxaad ku jirtay dhinaca haweenka Marka la eego Hablaha Fanaaniinta Hobolada Qaranka Soomaaliyeed ee waabari.

Sidoo kale Qadro daahir ayaa ka mid ahayd fanaaniinta Qurba jooga ah, waxayna sanadihii la soo dhaafay ku Nooleed magaalada Hargaysa, oo ay deegaan ahaan ka soo jeeday, waxaa maalmo ka hor loola Cararay ispitaalka wayn ee magaalada Hargaysa oo ay caawa ku geeriyootay.

Fannaanad Khadra Daahir Cige ayaa fanka ku soo biirtay 1974, waxaana ay kamid aheyd kuwo loogu jacelyahay Fannaaniinta Soomaalida.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post