2655 Views

Guddiga doorashada Soomaaliland oo ka hadlay Cabashada ay muujiyeen Madaxda Xisbiga Wadani.

Guddiga doorashada Soomaaliland oo ka hadlay Cabashada ay muujiyeen Madaxda Xisbiga Wadani.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 17, 2017–-C/qaadir Iimaan Warsame Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa ka hadlay banaanbaxyada iyo cabashooyinka ka soo baxaya Madaxda Xisbiga Wadani ee soomaaliland taas oo ku saabsan in wax isdaba marin lagu sameeyay Natiijada doorashadii ka dhacday Soomaaliland.

Guddoomiyaha Guddiga ayaa sheegay in ay qalad tahay dadka qaar in ay baraha bulshada soo dhigaan in ku shubasho ay dhacday, wuxuuna tilmaamay muhiim in ay tahay natiijada in looga dambeeyo Guddiga Doorashada.

Guddoomiye C/qaadir Iimaan Warsame ayaa sheegay xisbi kasta oo cabasho qaba in ay diyaar u yihiin in ay xaliyaan, wuxuuna shacabka ka dalbaday in ay isdejiyaan, xilligana aanan loo baahneyn in dhimasho ay dhacdo.

xalay ayaa magaalooyinka Hargaysa iyo Burco waxaa ka dhacay Banaanbaxyo waa wayn oo ay dhigayeen Taageerayaasha Xisbiga Wadani.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment