936 Views

SAWIRO:- Dowladda oo Gaadiid ku wareejisay Maamulka Galmudug

____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 19 2020–Wasaarada Beeraha Dowlada Faderaalka ayaa shan gaari oo ah nuuca Soomaalida u yaqaano Cabdi-bilaha iyo agab ay ka mid yihiin matooro ku wareejisay Wasaarada Beeraha Dhirta iyo Daaqa Galmudug .

Wasiirka Beeraha Dowladda Faderaalka Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid ayaa furayaasha Shan Gaari ku wareejiyay Wasiirka beeraha dhirta iyo daaqa Galmudug Axmad Nuur Xaaji Cismqan oo ay wehliyeen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda beeraha Galmudug, Agaasimaha guud ee Wasaaradda, agaasimaha plant protection-ka iyo agaasimayaasha waaxaha .

Gaadiidkan iyo matoorada saaran ayaa loo adeegsan doonaa dagaalka lagula jiro Anyaxa ku habsadey dhul daaqsimeedka iyo beeraha Galmudug oo mudoba la tacaalidiisu socotay .

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post