705 Views

SAWIRO:- Ciidanka NISA oo Muqdisho ka fuliyay howlgal dad badan lagu qabqabtay

SAWIRO:- Ciidanka NISA oo Muqdisho ka fuliyay howlgal dad badan lagu qabqabtay
____________________________________________________________________________

Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay meelo kala duwan oo kuyaalla Magaalada Muqdishoa, kuwaas oo lahaa bartilmaameedyo cayiman.

War kasoo baxay Taliska Hay’adda NISA ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu sheegay in feejignaanta Ciidanka ay saraysay ayna aad uga taxadarayeen Saraakiisha iyo Ciidamada la socda in wax fashil ah uusan ku imaan howlgalka oo goobaha bartilmaameedku yahay ay mudaba dabagal ku hayeen Ciidamada aan muuqan ee Sirdoonka.

Ciidamo hubeysay oo ka tirsan Ha’ada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa fuliyay qorshaha hawlgalka ka dib markii ay heleen xuuraan sugan oo sheegaya in ay jirto halis amni oo ku wajahan shacabka, taasoo u baahan in laga hortago ayaa sidoo kale lagu yiri” Warka NISA.

Howlgalka hore wuxuu ka dhacay Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir, wuxuuna ahaa mid amniga lagu xaqiijinaayay oo ay hareer socotay baaris dadka iyo gaadiid lagu samaynayay.

Waxaa xigay howlgal kale oo laga sameeyay Degmada Kaxda, waxaana lagu soo qabtay walxo la doonayay in lagu khalkhal galiyo ammaanka Caasimadda iyo shacabka ku dhaqan.

Howlgaladan oo qaatay saacado ayaa ku soo dhammaaday sidii loo qorsheeyay, iyadoo aysan dhicin qasaare ka dhashay sida lagu sheegay War kasoo baxay taliska Hay’adda NISA ee Gobolka Banaadir.

Howlgalkan ay Ciidanka Nabadsugida Soomaaliya ka fuliyeen Magaalada Muqdisho ayaa kusoo beegmaya xilli Shacabka Muqdisho ay qaati ka taagan yihiin rag Burcad ah oo habeen iyo Maalin dhac u geysanaya.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post