1140 Views

Xaalada Muqdisho oo kacsan iyo Ciidamada badbaado Qaran oo ku soo wajahan Muqdisho.

Xaalada Muqdisho oo kacsan iyo Ciidamada badbaado Qaran oo ku soo wajahan Muqdisho.
____________________________________________________________________________

Sabti: December 4, 2021

Wararka ka imaanaya caawa magaalada Muqdisho gaar ahaan shirarkii socday maalmihii la soo dhaafay ee Midowga Musharixiinta, ayaa waxaa ka soo baxaya Warar kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in laga yaabo in ay muqdisho ku soo laabtaan Ciidamada Badbaado Qaran, kuwaas oo shalay ka hor yimid mudo kororsigii uu sameeyay madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday farmaajo.

Midowga musharixiinta ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay ku dhawaaqaan in dalka xaalad deg deg ah la galiyay oo ay dhisaan Dowlad ka samata bixisa dhibaatadaan dalka.

Sidoo kale Ciidamada badbaado Qaran ayaa joogaa gobolada sh.hoose iyo sh.dhexe waxayna Muqdisho ku imaan karaan saacado kooban.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post