396 Views

Saddex iyo toban Qof dhalinyaro ah oo dad aan la garaneyn ay ku afduubteen dalka Zambia oo lasoo badbaadiyay bilo kadib markii la waayay.

Saddex iyo toban Qof dhalinyaro ah  oo dad aan la garaneyn ay ku afduubteen dalka Zambia oo  lasoo badbaadiyay bilo kadib markii la waayay.
____________________________________________________________________________

Talaado: OCTOBER 4, 2022

Saddex iyo toban gabdhood oo dhalinyaro ah, oo dad aan la garaneyn ay ku afduubteen dalka Zambia,ayaa lasoo badbaadiyay bilo kadib markii la waayay.

Haweenkan oo da’doodu u dhaxayso 17 ilaa 28 jir, ayaa waxa ku jirta haweeney nin ka shaqaysay telefoonnada gacanta.

Haweeneydan ayaa noqotey bud dhiga dadka la afduubay, kadib markii la baahiyey muuqaal ay ku jirto iyada, oo bir lagu garaacayo, taasoo codsanaysa in loo naxariisto lix bilood ka hor.

Afduubayaasha ayaa dalbanayay lacag madax furasho ah. Booliiska ayaa bilaabay baaritaan ay ku sameynayaan dadka la afduubtay, iyadoo aaney waxba ka soo bixin.

Balse isniintii, mid kamid ah dadka la afduubay, ayaa ku guuleystey inuu miisaamo darbiga guriga lagu haystey ee ku yaalla magaalada caasimadda ee Lusaka, gaar ahaan xaafadda Chalala.

Dabadeed waxay digniin u dirtay dadkii deriska ahaa, si ay u badbaadiyaan inta kale ee dumarka ah.

Robby Chitambo, oo ahaa kii ugu horreeyay ee ka jawaaba dalabka dadka la afduubtay, ayaa asxaabtiisa abaabulay si ay u soo galaan guriga, isagoo ka sheekeeyay tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan waxa uu arkay.

Waxa uu tilmaamay in uu guriga ka helay sanduuq, agabyada galmada iyo suufka nadaafadda, kahor inta aanu wicin booliiska oo markii dambe goobta soo gaaray.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post