1020 Views

Yuusuf Dabageed oo diiday in uu xilka wareejiyo

Yuusuf Dabageed oo diiday in uu xilka wareejiyo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 18,, 2019  –Guddoomiyaha xilka laga qaaday ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa wali ku dheggan in uu yahay Guddoomiyaha Gobolkaas.

Kulan xalay Magaalada Baladweyne ku dhexmaray Guddoomiye Dabageed iyo wafddi ka kooban Wasiirro iyo XIldhibaanno ayaa ku soo dhamaaday is afgaran waa.

Yuusuf ayaa u sheegay Guddiga in Madaxweyne Waare uusan xilka ka qaadi karin isaga oo dalka dibaddiisa jira,waxaana uu sheegay in xilka qaadistaasi ahayd mid sharci darro ah.

Waxaa uu sinnaba u diiday in uu xilka ku wareejiyo Guddoomiyaha cusub ee lo magacaabay Gobolka Hiiraan.

Waxaa uu soo jeediyay in xil wareejintiisa ay go’aankeeda leeyihiin Odayaasha dhaqanka ee Hiiraan iyo Bulshada sida uu hadalka u dhigay.

Magaalada Baladweyne waxaa wali ka socda xal loo raadinayo xiisadda ka dhalatay xilka qaadista Dabageed oo sababtay dhimashada Taliyihii Qeybta Booliska Gobolka Hiiraan kaas oo uu magtiisa bixiyay Madaxweynaha Hirshabeelle.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment