849 Views

Taliska Booliska Gobolka Nugaal oo amaro ka soo saaray Amniga

Taliska Booliska Gobolka Nugaal oo amaro ka soo saaray Amniga
____________________________________________________________________________

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Nugaal Gaashaanle Sare Maxamed aadan jaamac ayaa sheegay in degaannada Gobolka Nugaal uu dhibaato weyn ku haayo hubka sharci darrada ah ee gacanta ugu jira dadka Shacabka ah.

Taliyaha oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa waxaa uu sheegay in hubkaas ay fududeeynayaan in dadka si fududu loo dilo, isla markaana loo baahan yahay in arrintaasi laga hortaggo.

Sidoo kale taliyaha ayaa hadalkiisa waxaa uu intaasi ku daray n xilligaan degaannada Gobolka Nugaal aysan ka jirin baahi keeni karta in hub lagu dhex-qaato, waxaana uu laamaha Amniga faray inay ka hortagaan cid walba oo qori shari darro ah qaadata.

Warkan kasoo baxay Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Nugaal Gaashaanle Sare Maxamed aadan jaamac ayaa kusoo aadaya xilli dhowr jeer magaalada garoowe iyo degaannada kale ee Gobolkaas ay dhac ka geysteen Kooxo ku hubeysnaa Bustoolado iyo Mindiyo.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post