741 Views

M/weyne Xasan Shiikh oo maanta ku wajahan Dhuusamareeb

M/weyne Xasan Shiikh oo maanta ku wajahan Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Khamiis: June 2, 2022

Waxaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug lagu wadaa inay gaaraan Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, iyadoo xalay munaasabad iskugu jirta soodhaweyn iyo sagootis loogu sameeyay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Munaasabadda waxaa ka qeyb ka ahaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Ku-simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka KG, masuuliyiin ka tirsan Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Intii uu ku sugnaa Magaalada Baydhabo, Madaxweynaha Xasan Shiikh Maxamuud waxaa uu kulamo kala duwan kula qaatay halkaas Madaxda ugu Sarreysa hoggaanka Koofur galbeed, Odoyaasha dhaqanka, Haweenka iyo qeybaha kale ee Bulshada reer Koofur galbeed.

Goor sii horreesay waxaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug gaaray Wafdi hordhac u ah safarka Madaxweyne Xasan uu ku tagayo magaaladaas oo uu hoggaaminayo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Ali Dahir Eid oo ay qayb ka ahayeen Xildhibaano Fadaraal ah iyo Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in iminka ay kasocoto qaban qaabada soodhaweynta wafdiga Madaxweynaha, waxaana si weyn loo adkeeyay ammaanka guud ee waddooyinka iyo xaafadaha Magaalada iyadoo lagu arkayo ciidamo Booliis iyo Militari oo loo dhoobay.

Madaxweynaha Soomaaliya markii uu maanta gaaro Magaalada Dhuusamareeb, waxaa la filayaa inuu halkaas ka bilaabo kulamo uu la qadaanayo Madaxda ugu sarreysa Galmudug uu ugu horreeye Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdikaariye Qoor qoor iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada halkaas ku dhaqan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post