3240 Views

Ciidamo Gadoodsan oo la wareegay qeybo ka mid ah Magaalada Garowe

Ciidamo Gadoodsan oo la wareegay qeybo ka mid ah Magaalada Garowe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 20, 2018 —Ciidamo Mushahar u gadoodsan ayaa xiray Wadooyinka aada Madaxtooyada iyo Wasaarddaha Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland.

Waxay Ciidanku celinayaan gaadiidka iyo dadkii halkaasi mari lahaa tani waxaana ay saameysay shaqooyinkii ka socday Xafiisyada loo maro wadooyinkaasi.

Taliyaha Ciidanka xasilinta gobolka Nugaal Muxyadiin Axmed Muuse iyo Saraakiil kale ayaa waddo dadaallo Ciidanka looga wareejinaayo wadada,maadaama Maanta lagu waddo in ay gaaraan Magaalada Garowe Madax ka socota maamul goboleedyadda.

Ciidankaan ayaa warbaahinta u sheegay in Muddo 7 bilood ah aysan wax mushaar ah qaadan,islamarkaana ay tahay in ay tilaabo qaadaan.

Ciidamada Ammaanka Puntland ayaa ku caan baxay Sanadyadii lasoo dhaafay markii ay mushaarka waayaan bilooyin in ay xoog kula wareegaan xarumaha maamulka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment