1230 Views

Taliyihii Ciidanka xasilinta Gaalkacyo oo u geeriyooday dhaawicii loo geystay

Taliyihii Ciidanka xasilinta Gaalkacyo oo u geeriyooday dhaawicii loo geystay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 12, 2019 –Waxaa Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ugu geeriyooday dhaawicii xalay Magaaladaas loogu geystay taliyihii Ciidanka isku-dhafka ah ee Xasilinta ee loo sameeyey Magalada gaalkacyo.

 

Dhamme Khaliif Nuur Shiil ayaa xalay xilli uu kasoo baxay Masaajid uu kusoo dukaday Salaada Taraawiixda ay kooxo hubeysan dhaawaceen,iyaga oo goobta ka baxsaday,sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

 

Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga Magalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay xaqiijiyeen geerida taliyihii ciidanka xasilinta ee Magalada Gaalkacyo,kaas oo lagu daweynayey mid ka mid ah Isbitaalada Magalada Gaalkacyo.

 

Ciidamada xasilinta Magalada Gaalkacyo ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa ay wadeen howlgallo baaritaano ah oo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyey dilka taliyihii ciidanka xasilinta ee Magalada Gaalkacyo wallow ilaa iyo hadda aysan jirin dad ay u soo qabteen.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment