1254 Views

Koox hubeysan oo ku sugan marinka Gaza oo gantaalo ku weeraray Israel

Koox hubeysan oo ku sugan marinka Gaza oo  gantaalo ku weeraray Israel
____________________________________________________________________________

April 24-2021

Koox hubeysan oo ku sugan marinka Gaza ayaa xalay gantaalo ku weeraray Israel, halka ay millatariga Israel ugu jawaabeen gantaallo ay la beegsadeen bartilmaameedyo ay Gaza ku leeyihiin ururka Xamaas.

Madaafiicdan ayaa imaneysa xilli ay ka sii dareyayso xiisad ka taagan bariga Quddus oo u dhaxeysa Falastiiniyiinta iyo ciidamada Israel.

Lix Falastiinyiin ah oo ka mid ahaa dad ku mudaaharaadayay Bariga Quddus iyo afar askari oo Israeli ah ayaa ku dhaawacmay mudaaharaadkii ugu danbeeyay ee ka dhacay Quddus.

Mudaaharaadyada ay dhigayaan dadka Falastiin ee Bariga Quddus ayaa sii xoogeysanayay tan iyo billowgii bisha Barakeysan ee Ramadan.

Ergayga Qaramada Midoobay ee Gobolka Tor Wennesland ayaa cambaareeyay rabshadaha, isaga oo sheegay in QM ay la shaqeyneyso labada dhinac si loo soo celiyo xasilloonida.

 Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post