399 Views

Sidee laga yeeli doonaa 2-dii kun askari ee Ukraine ee Ruushka isu dhiibay?

Sidee laga yeeli doonaa 2-dii kun askari ee Ukraine ee Ruushka isu dhiibay?
____________________________________________________________________________

Isniin: May 23, 2022

 

Waxaa welwel badan laga qabaa waxa ku dhici doonaa illaa 2 kun oo askari oo Ukraine ah oo illaalinayay magaalada Mariupol kuwaas oo isu dhiibay ciidamada Ruushka.

Wararka waxa ay sheegayaan in la geeyay magaalada tuulo ku taala gobolka Donesky.

Dadka Ruushka taageersan waxa ay doonayaan in si xun loo ciqaabo ciidamadan, balse waxaa jirta in Ukraine lafteeda ay gacanta ku hayso ciidamo Ruush ah oo tiro badan, kuwaas oo qaarkood lagu eedeeyay dambiyo dagaal.

Balse taageerayaasha Ruushka oo ay siyaasiyiin ka midyihiin lama dhacsana aragtida ah in maxaabiis la is dhaafsado.waxayna soo jeedinayaan sharci mamnuucaya isweeydaarsiga waxa ay ugu yeereen ‘naasiyiinta’ iyo askarta Ruushka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post