1134 Views

Wasiirka Caafimaadka oo kormeertay Isbitaalka Dr Sumait ee ah xarunta 2aad la tacaalida Covid-19

Wasiirka Caafimaadka oo kormeertay Isbitaalka Dr Sumait ee ah xarunta 2aad la tacaalida Covid-19
____________________________________________________________________________


Muqdisho, April 06, 2021
–Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda ee Xukuumadda Soomaaliya Dr. Fawziya Abikar Nur, ayaa maanta booqasho ku tagtay Isbitaalka Dr. Sumait ee Jaamacadda SIMAD si ay ugu kuurgasho xaaladda Isbitaalka ee la Tacaalidda Caabuqa COVID-19.

Wasiirka Caafimaadka ayaa dhiiri galin iyo ammaan u jeedisey howl-wadeenada caafimaadka ee safka hore kaga jira la tacaalidda iyo baxnaaneynta dadka uu soo ritay caabuqa COVID-19.

Sidoo kale Wasiirka Caafimaadka ayaa intii ay ku guda jirtay booqshadda kormeer ku tagtay qeybta isbitaalka ee bixinta Talaalka COVID-19 ugu dambayna, waxa ay kula dar daarantay howl-wadeenada iyo maamulka Isbtiaalka inay sii kordhiyaan dadaalkooda.

Isbitaalka Dr. Sumait ee jaamacadda SIMAD ayaa ah xarunta labaad ee lagu baxnaaniyo dadka uu soo rito xanuunka saf-marka ah ee Korona adeegyada uu bixiyana waa kuwo bilaash ah.

Ugu dambeyn Wasiiradda caafimaadka ayaa uga mahad celisay maamulka jaamacadda sida ay u garab istaageen xilligii adkaa iyo adeegga caafimaad ee ay siinayaan bulshada Soomaaliyeed. Wasiiraka ayaa ka hadashay ahmiyadda uu leeyahay talaalka si gaar ahaan howl-wadeenada caafimaadka ee safka hore kaga jira la dagaalanka cudurka.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post