1791 Views

Taliyaha Xoogga Iyo Saraakiisha Dugsiga TurkSom Oo Kawada Hadlay Dagaalka Ka Dhanka Ah Al-Shabaab

Taliyaha Xoogga Iyo Saraakiisha Dugsiga TurkSom Oo Kawada Hadlay Dagaalka Ka Dhanka Ah Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe  ayaa maanta Xafiiskiisa kulan kula qaatay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Turkiga, kuwaasi oo tababareyaal ka ah Dugsiga tababarka Ciidanka TurkSom ee Magaalada Muqdisho.

Labada dhinac ayaa kawada hadlay dardar-gelinta tababarada Ciidanka Xoogga Dalka, Si gaar ah waxay uga hadleen siddii CXDS ee tababarka ku qaatay dugsiga TurkSom ugu qeyb qaadan lahayeen Howlgalada Dalka looga Saarayo Al-Shabaab, islamarmaana loo howl gelin lahaa, si Qibradooda looga faa’iideysto.

Sarreeye gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa soo dhaweeyay kaalinta muuqata ee dawladda Turkiga ka qaadaneyso Dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka.

Dugsiga Tababarka Ciidanka ee TurkSom ayaa waxaa hadda tababar uu uga socdaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga, iyaddoo horay dugsigaas ay uga qalin jabiyeen dhowr dufcadood, kuwaasi oo Taliska CXDS uu qorsheynayo in la howl galiyo oo ay ka qeyb qaataan dagaalka dalka ka dhanka ah  Al-Shabaab.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment