468 Views

Zelensky “ Nato iyo Yurub way nooga baxeen balan-qaadkii ahaa inay naga Difaacaan Ruushka

Zelensky  “ Nato iyo  Yurub way nooga baxeen balan-qaadkii ahaa inay naga Difaacaan Ruushka
____________________________________________________________________________

Arbaco: March 9, 2022

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyj ayaa ku dhaleeceeyayreer galbeedka inay uga baxeen balan-qaadkii ahaa inay ka difaacaan Weerarka Ruushka.

Waxa ay ahayd 13 maalmood oo aanu maqalnay ballanqaadyo, 13 maalmood oo nalagu sheegay in aanu heli doonno caawinta hawada, in ay jiraan diyaarado iyo in nala soo gaadhsiin doono, ayuu Zelenskyj ku yidhi farriin muuqaal ah Salaasadii. .

– Laakiin mas’uuliyadda arrintan sidoo kale waxay saaran tahay kuwa aan awoodin inay go’aan ka gaaraan arintan ayuu raaciyay Zelenskyj.

“Waxay sidoo kale dusha ka saarantahay kuwa aan sugin hawada Ukraine ee ka dhanka ah Weerarada Ruushka,” ayuu yidhi.

Ukraine ayaa mudo dhoor maalin ah iska difaaceysa Dalka Ruushka oo awood ahaan ka badan waxana ilaa hada jirin dowlad caawisay marka laga reebo taageero oo kaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post